Urur-gobaleedka IGAD oo maanta ka shiraya Xaalladda Somalia

Golaha Wasiiradda ee Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD waxay Kulankoodii 72-aad maanta ku yeelan doonaa  Xarunta Dhexe ee IGAD oo ku taalla Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

 

Shirkaasi oo ay ka qeyb geli doonaan Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka xubnaha ka ah Urur-gobaleedkaasi waxay kaga  xaajoon doonaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Arrimaha dalalka  Somalia, Koonfurta Sudan iyo Xanuunka COVID 19 ee Mandiqada Bariga Afrika.

 

Golaha Wasiirada ee Urur-gobaleedka IGAD waxay kaloo Kulankooda diirada ku saari doonaan Siyaasadda Qaxootiga ee IGAD iyo Istaraatijiyada Xalalka Waara ee dadka Barakacayaasha ee ku nool dalalka Sudan iyo Koonfurta Sudan.

 

Si kastaba ha ahaatee, Urur-gobaleedka IGAD waxaa la asaasay bishii Janaayo ee sanadkii 1986-dii, waxaana xubno ka ah 8 Waddan oo kala ah: Somalia, Jabuuti, Sudan, Koonfurta Sudan, Kenya, Ethiopia, Eritrea iyo Uganda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor