Afhayeen u hadlay Boliska dalkaasi ayaa sheegay inuu qaraxu ka dhacay meel ku dhow magaalladda Nuremberg, waxaana ku geeriyooday Nin la rumeysan yahay inuu Boorso ku watay qaraxa.
12 kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi, iyadoo 3 ka mid ah dadka dhaawacmayay aad u liidato Xaalladooda.
Qaraxaasi oo u muuqday mid la soo qorsheeyey ayaa ahaa shilkii ugu dambeeyey ee dad lagu dilay Jarmalka muddo hal isbuuc ah.
Dhinaca kale, Qaxooti u dhashay dalka Syria ayaa la xiray, kadib, markii uu Haweeney xaamilo ah ku dilay magaalladda Reutligen ee K/galbeed ee dalka Jarmalka.
Waxa kaloo uu ninkaasi dhaawacay 2 qof oo kale.
©Radio Dalsan