Ugu yaraan 80 qof oo lagu dilay gaari dad ku jiiray Koonfurta Faransiiska.

Nin gaari xamuul waday ayaa la sheegay inuu xalay gaari jiirsiiyey dad ka qeyb galayey Dabaaldega Maalinta Qaranka Faransiiska ee Bastille Day, oo lagu qabtay magaalladda Niis, waxaana halkaasi lagu dilay 80 qof, laguna dhaawacay 100 kale.

Boliska ayaa la sheegay inay toogteen Dareewalka oo ahaa Muwaadin Faransiis oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Tunisia.

Waraaqaha Aqoonsiga ee Dareewalka oo 31 jir iyo waxyaabaha qarxa ayaa laga helay gaarigiisa.

Madaxweynaha Faransiiska, Faranswa Hollande oo ku sugnaa K/bari ee dalkaasi ayaa dib ugu soo laabtay magaalladda Paris, si uu uga qeyb  Shirar looga hadlayo Xiisadaasi.

Weerarkaasi loo adeegsaday Gaariga ayaa dhacay saacado kadib, markii uu Madaxweyne Hollande sheegay in muddo 3 bilood lagu kordhinayo Xukunka Degdegga ee lagu soo dooray dalkaasi bishii November ee sannadkii hore.

©Radio Dalsan

French police forces and forensic officers stand next to a truck July 15, 2016 that ran into a crowd celebrating the Bastille Day national holiday on the Promenade des Anglais killing at least 60 people in Nice, France, July 14.    REUTERS/Eric Gaillard  TPX IMAGES OF THE DAY - RTSHZQH

NICE4

NICE 02NICE 00 GAARIGA hollande

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media