Ugu yaraan 36 qof oo ku geeriyootay Qaraxyo lala beegsaday Kaniisado ku yaalla Masar.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in qaraxyo  lala beegsaday 2 Kaniisad oo ku kala yaalla magaalladda Aleskandariya iyo Degmadda Tanta, waxaana ku geeriyootay ugu yaraan 36 qof,  iyadoo in ka badan 100 qof ku dhaawacmeen.

Qaraxa 1-aad waxa uu ka dhacay Kaniisad ku taalla Degmadda Tanta oo in ka badan 100-KM u jirta magaalladda Qaahira, waxaa lagu dilay ugu yaraan 25 qof, halka ugu yaraan 78-kalena lagu dhaawacay.

Qaraxa 2-aad ayaa waxa uu dhowr saacadood kadib ka dhacay Kaniisad ku taalla mgaalladda Aleskndariya, waxaana ku geeriyootay 11-qof oo ay ku jireen 3 Srkaal Bolis, waxaan ku dhaawacmay 35-kale.

Madaxweynaha Masar, C/fataax Al-sisi ayaa Kulan Degdeg ah isugu yeeray Golaha Difaaca Qaranka, oo looga hadlayo khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media