Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Diyaaradaha Isbahaysiga Maraykanka duqeeyeen Dugsi ay dad Barakacayaal gabbaad ka dhiganayeen oo ku yaalla Tuulladda Al-mansuura ee Galbeedka magaalladda Raqa ee Caasimadda Kooxda Daacish.
Kooxda La-socodka Dagaaalka Syria ayaa lagu sheegay in ay la xiriireen dadka Deegaanka, kuwaasi oo  tilmaamay inay Duqeyntasi dhacday Habeenkii Isniinta ee la soo dhaafay
Bilowgii bishan March, Isbahaysiga Maraykanka waxay qirteen in ugu yaraan 220 qof oo rayid ah lagu dilay duqeymaha ay ka geysteen dalka Syria tan iyo sannadkii 2014-kii.
©Radio Dalsan