Telefishinka NTV ee dalka Uganda, ayaa sheegay inay Boliska Uganda soo bandhigeen Sawirka Nin lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey dilkii Garsoorad la oran jirey Joan Kagezi.
Boliska waxay tilmaameen inay abaal-marin lacageed oo dhan 13 million oo Shillinka Uganda siin doonaan ciddii soo sheegta warbixin horseedi karta sidii loo soo qaban lahaa Ninkaasi.
Shalay ayey ahayd, markii ay Boliska Uganda sheegeen inay gacanta ku dhigeen ilaa 6 qof oo lala xiriirinayo dilka Joan Kagezi, oo iyada gacanta ku haysay Gal-dacwadeedka 13 qof oo lala xiriirinayo inay ka tirsan Alshabaab.