Turkiga oo lagu qabtay nin wax ka abaabulay Weerarkii bilowgii sannadkan ka dhacay Istanbul.

Ninkaasi oo haysta dhalashadda Faransiiska waxaa magaciisa lagu soo koobay A.S., waxayna Boliska ku qabteen Istanbuul 2 maalin ka hor.

Eedeysanaha oo tan iyo sannadkii 2009-kii ku noolaa Faransiiska ayaa la sheegay inuu guri u kireeyey C/qaadir Msharipov, kaasi oo ka dambeeyey Toogashadii ka dhacday Dhismaha lagu caweeyo ee magaalladda Istanbul, laguna dilay 39-qof.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen weerarkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media