Madaxa Golaha Xiriirka Dibedda ee Goblaha Gnaacsiga ee Turkiga iyo Lubnaan, C/qaadir Akus ayaa sheegay inay Turkiga dhawaan qalab u daabuleen Lubnaan, si loogu dayactiro Dekedda Beyruut oo uu qarax xoogan burburiyey bishii Agost ee sanadkii hore.
Shabakadda Wararka ee Al-Nashra ayaa qortay inuu Masรขโฌโขuulkaasi sheegay inay Turkiga khibrad u leeyihiin dhismaha Dekedaha, isla markaana ay noqon karaan Murashax ku wanaagsan dhismaha Dekeddaasi.
Maamulayaasha Lubnaan waxay sheegeen in Dib-u-dhiska Dekedaasi ku bixi doono lacag dhan 15 Bilyan oo Dollar.