Saturday, May 4, 2024

Turkiga oo cambaareeyay weerarkii ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Maraakiib…

“Waxaan cambaaraynaynaa weerarkii lagu qaaday Laba Markab Shidaal, oo laga lahaa Sacuudi Carabiya, kuwaas oo marayay Marinka Bab-el Mandeb, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Turkiga.

“Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo tallaabooyinka noocaas ah, oo khatar galinaya amniga Badda, waxaana laga yaabaa in ay sii kordhiso xiisadda hadda ka jirta Gobolka,” ayay wasaaraddu raacisay.

Arbacadii ayay ahayd markii ay Jabhadda Xuuthiyiinta ee ka dagaallanka Dalka Yemen, taageerada ka haysata Iiraan ay weerar Gentaallo ah ku qaadday Laba Markab oo siday Shidaal, lagana lahaa Dalka Sacuudiga, iyadoo uu dhaawac yar kasoo gaaray mid ka mid ah Maraakiibtaasi oo lagu Magacaabo Damaam.

Sonna.so

Next Post

Welcome Back!

Login to your account below

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00