Turkiga oo ballan qaad tababar Ciidan hor leh siiyay Dowladda Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka ee xilgaarsiinta, Xasan Xuseen Xaaji, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa u qeybsanaha arimaha Ciidanka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiishan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee dhanka Milatariga ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Saraakiisha ka socotay dowladda Turkiga ayaa dhankooda sheegay inay sii laba jibaari doonaan tababarka iyo qalabeynta Ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dowladda Turkiga ayaa kaalin ka qaadatay tababarista Ciidamada Milateriga Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska ee  Gogor iyo Ciidanka  Booliiska gaarka ah ee Harmacad.

Turkigaan ayaa sanadkaan gudihiisa dowladda Federaalka u tababar kummanaan Ciidan oo ku jiraan Cutubyo Gabdho ah, halka kuwo kalena tababaro kala duwan loogu qaaday dalkaas, iyadooda ay xusid mudan tahay in Ciidamo tababar soo qaatay dib loogu soo celiyay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor