Turkiga iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray xaaladda Suuriya

Madaxweynaha Dawladda Turkiga Rajab Dayib Ordugan iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa khadka telfoonka ku yeeshay wada hadal waqti kooban qaatay iyagoo isla soo qaaday xaaladaha Suuriya.

Waxay isku raaceen in la xoojiyo sidii loo heli wada tashiga iyo Isfahan in laga gaaro xakamaynta xaaladda Suuriya, waxaana labada Madaxweyne uu mid kastaba sheegay inuu diyaar u yahay tallaabo kasta oo lagu xallinayo xaaladda Suuriya.

Intii ay ku guda jireen wada hadalka telfoonka dhankiisa ah waxay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ku heshiiyeen in dedaal badan la geliyo wada tashiyada lagu gaarayo xabad joojinta gobolka Idlib ee Syria.

Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaanka u tahay sii wadista xiriirka ka dhexeeya milatariga dalalka Ruushka iyo Turkiga eek u sugan gudaha Suuriya, taasoo horseedi karta in la yareeyo xiisadda Suuriya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ku booriyay dhiggiisa Ruushka in ciidamada Ruushka laga rabo inay xakameeyaan weerarada ay qaadayaan ciidamada Taliska Suuriya iyagoo taageero ka helaya ciidamada Ruushka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media