Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi waxay sheegtay in Duqeyn xalay lagu dilay 14 ka tirsan Maleeshiyadda Kooxda Dalibaan oo ku sugnaa Waqooyiga dalkaasi.
Diyaaradaha Dagaalka ayaa la sheegay inay beegsadeen goob gabaad ah u ahaa Maleeshiyadaasi oo ku taalla Tuulladda QUSHMAL ee duleedka Degmadda FIROZ NAKHIR ee Gobalka Samangan.
Duqeyntaasi waxaa kaloo lagu burburiyey Kayd Hub oo ay ku jireen Hoobiyayaal iyo Qoryaha Boobayaasha Culus iyo qoryaha Fudud.
Dhinaca kale, Kooxda Daalibaan waxay qabsadeen Degmada muhiimka ee IIMAAN SAAHIB oo ku taalla Gobalka KUNDUZ ee Waqooyiga dalkaasi.
Bishii hore, Kooxda Daalibaan waxay sheegeen inay qabsadeen in ka badan 40 Degmo.