Tiro hoobiyaal ah oo lagu garaacay aga-gaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Tiro Hoobiyaal ayaa lagu soo warramayaa in goordhaweyd ay kusoo dhaceen xaafad u dhow garoonka diyaaraha ee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde , waxaana ka dhashay khasaro kala duwan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ugu yaraan afar hoobiye lagu garaacay Xaafad ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolkani Banaadir, kuwaasi oo lasoo sheegayo in uu jiro khasaaro ka dhashay.

Hoobiyayaasha ayaa haleelay guryo ay dagganaayeen dad shacab ah oo kuwaasi oo la sheegayo in ay gaysteen khasaaro nafeed, inkastoo aan wali la xaqiijin tirada dhimashada rasmiga ah.

Hoobiyaasha ayaa la aminsan yahay in lala damacsanaa garoonka Diyaaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ku habsadeen guryo ay dad shacab ah dagganaayeen oo  ka agdhow garoonka.

wixii kusoo kordha halkaan kala soco

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor