Tirada dadka lagu dilay galbeedka Itoobiya oo sii korortay

Wararka naga soo gaaraya dalka Itoobiya ayaa sheegaya dableey aan heybtoda la garan iney galbeedka dalkaasi ku dileen in ka badan 50 qof.

Weerarka dadka rayadka ah lagu laayey oo ka dhacay deegaanka Horo Gudru ee deegaanka Oromada.

Sida uu ku soo warramayo wariyaheenna magaalada Addis Ababa Qaalkidaan Yibeltaal dadka deggan galbeedka dalkaasi waxaa soo food saartay cabsi aad u xooggan.

Iyada oo weerarrada dadka shacabka ah lagu beegsanaya ay noqdeen kuwa joogta ah boqollaal rayad ahna ay ku dhinteen hay’adaha amniga ee dowladdana ay waxba ka qaban.

Dadka deggan aagga dadka lagu laayey weerarradaasi waxay ku eedeynayaan maleeshiyaadka Faano ee ka dhaqdhaqaaqa deegaanka Amxaarada.

Dilalka ka soo cusboonaaday galbeedka Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli uu 9 maalmood socda dagaalka Waqooyiga Itoobiya ka socda oo toddobaadki hore dib u qarxay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor