Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa xalay ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Cakiran dalka iyo rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Safiir Tarsan oo Muuqaal iska soo duubay ayaa waxaa uu ku sheegay in dalka uu marayo marxalad adeg oo u baahan in xal laga gaaro khilaafka taagan, wuxuuna sheegay in dalka iyo dadka horey u soo mareen dhibaatooyin badan oo loo baahan yahay in hadda la joogo.
Tarsan ayaa Madaxdii hore ee dalka ee tartanka kula jira Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inay dalal shisheeye ku xiran yihiin, isla markaana ka helaan lacago, kuna howlahan yihiin kala furfurka Ciidamada dowladda iyo iska horimaadyo dhaca.
Isaga oo sii hadlaayay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayuu Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo ugu baaqay in uu xilka iska casilo markii uu Maanta hortago Xildhibaanada Golaha Shacabka, uuna qaato go’aan geesinimo leh.
“Waxaan kaa rajeenayaa markaad Baarlamaanka tagto in aad xilka iska dhiibtid ood tiraahdo Soomaaliyeed afar sano ayaan soo shaqeeyay waxaan rabay wanaag iyo in aan wadanka dhiso balse dad baa i diiday sidaas ayaan dalka uga tagay, ama waa mid in aad tiraahdid anigu waan tartami Ra’iisul Wasaaruhu ha diyaariyo hoosha doorashada, waxaad tahay muwaadin Soomaaliyeed cid kuu diidi karto ma jirto in ada tartanto, balse ha isku dayin in magaalada lagu bur buiriyo ciidankii aad dhistay” ayuu yiri Tarsan.
Hadalka Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo Maanta uu Farmaajo hortegayo Golaha Shacabka, isagoona ka dalbanaya inay dib uga laabtan Go’aankii ay muddo kordhinta ay ugu sameeyeen, kaasi siweyn looga horjeestay.