Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dhex dilay goobtiisa Ganacsi

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd xaafad ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka halkaas ku lahaa goob Ganacsi.

Burcadda ayaa weerar ku qaaday Muwaadinka Soomaaliyeed, xili uu ku sugnaa goobtiisa Ganacsi oo ay doonayeen inay dhac u geystaan, taas oo ku taalla xaafadda Delft, isla markaana u geeriyooday xabbado ku dhacay.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xuseen Daahir Afrax oo loo yaqaanay (Xuseen Cirro), waxaana uu kamid ahaa dadka Soomaalida ee caanka ka ah Magaalada Cape-town.

Raggii hubeysnaa ka dambeeyay falka ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa durbo xaafadda Delft tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Dalka koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dilal kala duwan iyo boob loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana sanadkaan gudihiisa lagu dilay Muwaadiniin farabadan oo lahaa goobo Ganacsi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor