Talyaaniga Oo Walaac Cusub Ka Muujiyey Qul Qulka Muhaajiriin Soomaalida

Afahayeen U Hadlay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Talyaaniga Ayaa U Sheegay Wakaalada Wararka Dalkiisa In Ay Ka Walaacsan Yihiin Tirada Badan Ee Muhaajiriinta Afrikaanka Ah oo Soomaalida Ay Kujiraan Kuwaasi Oo Wali Doonaya In Ay Nolol U Raadsadaan Dalalka Qaarada Yurub.

Afahayeenka Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Talyaaniga Waxa Uu Sheegay In Muhaajiriin Badan Ay Sanad Waliba Ku La’Aadaan Biyaha Badda Meddetterian-ka, Waxaana uu Walaac Ka Muujiyey In Muhaajiriinta Ay Soo Badanayaan Sanad Waliba Taasi Oo Keeni Kara In Ay Sii Kordhaan Dadka Ku Geeriyoonaya Biyaha Badda Medditteran-ka.

” Sanadihii Ugu Dambeeyey Tirada Muhaajiriinta Wey Sii Kordhayeen Waxaana Soo Badanaya Muhaajiriinta Afrikaanka Ah Ee Isku Aaminaya Doonyaha Bacaha Ka Sameysan Iyo Maraakiibta Aan Diiwaangashneyn Sidaasi Waxaa Yiri Afahayeenka Ciidamada ilaalada Xeebaha Dalka Talaayniga.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga Ayaa Sanad Waliba Sameeya Howlgal Ay Ku Soo Badbaadiyaan Muhaajiriin Badan, Waxaana Ugu Dambeeyey 30-kii Bishii Hore Ee Juun Markii Muhaajiriin gaareysa Laba Kun Iyo Shan Boqol Kuwaasi Oo Wali La Shaacin Dalalka Ay U Dhasheen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor