Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga, Paolo Gentiloni ayaa faahfaahiyey Kaalinta Dowladiisa kaga jirto Dadaalka Beesha Caalamka ee Xal-u-helista Arrimaha Somalia.
Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa ka soo xigatay Wasiirka inuu tilmaamay inay Dowladda Talyaaniga taageeraan Ciiddanka Ammaanka Somalia, Â isla markaana iyagoo kaashanayo Ururka Midowga Europe inay Tababar joogto ah siiyaan, isla markaana qalabeeyaan Boliska Somalia.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga, Paolo Gentiloni waxa uu tilmaamay inay Somalia sannadkan u qoondeeyeen ku-dhawaad 20 million oo Euro, iyadoo 14 million oo ka mid ah Lacagahaasi loogu talagalay Hawlaha Horumarinta, halka 6 million oo Euro loogu talagalay Kaalmooyinka Samafalka Aadminimo.
Dhinaca kale, Wasiirka waxa uu sheegay in Dadaalkooda ku aadan Nabadda Somalia ay diiradda ku saarayaan Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshadda iyo Dowlad-wanaagga.
Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in ay bisha soo soocta marti-gelin doonaan Shirweyne Calaami oo looga hadlayo Ganacsiga Somalia (A business forum on Somalia), kaasi oo lagu qaban doono caasimadda dalka Talyaaniga.
©Radio Dalsan