Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Axad ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejin doonta 200.000 oo tallaalka COVID19 ee loo yaqaano Sinopharm Vaccine, oo ay dowladda China soo saartay.
Bishan aynu ku jirno 7-dii ayay ahayd markii Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinahu uu saxiixay heshiis tallaal looga hortego Cudurka COVID-19 lagu keynayo dalka Soomaaliya.
Danjire Cawaale Cali Kulane Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dalka Shiinaha ayaa hishiis ku aadan hilida talaalka ka hortaga cudurka aduunka Aafeeyey ee COVID-19 la galay shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.
Wakaaladda Wararka SONNA ayaa shaacisay in gelinka dambe ee Maanta oo Axad ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka la keeni doono tallaalka Sinopharm oo ay soo saartay dowladda Shiinaha.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey loo keenay tallaalka looga hortego Cudurka COVID-19, isla markaana haatan ay qaadashadiisa ka socoto Caasimadda dalka iyo Magaalooyinka dowlad Goboleedyada.