Taliyihii Maleeshiyadda Daacish ee Mosul oo la dilay.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Iraq ayaa lagu sheegay in la dilay Taliyahaasi oo la oran jirey Abu C/raxmaan Ansaari, xilli ay Ciiddanka Hawlgal ka wadeen  Degmadda Baab Al-toob.

Dilkiisa ayaa la sheegay inay dhabar-jab ku tahay Maleeshiyadda Daacish ee difaaca kaga jira qeybta qadiimiga ee Mosul.

Ciiddanka Dowladda ayaa la sheegay inay qabsadeen 30% masaafadda guud ee magaalladda Mosul, waxayna haatan kaabiga ku hayaan Buundo ku taalla Galbeedka Mosul, iyadoo horey u soo qabsaday 3 ka mid ah 5-ta buundo ee ku taalla magaalladaasi.

Dhinaca kale, in ka badan 200,000 oo qof ayaa ka barakacay magaalladda Mosul, tan iyo markii ay Milliteriga Iraq bilaabeen Hawlgalka Mosul bishii October ee sannadkii hore.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media