Maalinta berito ah ayaa la filayaa in taliyeyaasha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ay shir xasaasi ah ka yeeshaan Magalada Muqdisho kaas oo kaga hadli doonan qorshaha ka bixitaankooda ee Soomaaliya.
Taliyeyaasha shirka yeelanaya ayaa ka kala socda wadamada ay Ciidamada ka joogan Soomaaliya oo kala ah, Uganda, Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Burundi,waxana ay isla qorsheyn doonaan wajiga ugu dambeeya ee qorshaha AMISOM kaga baxeyso Soomaaliya.
Tan ayaa sida la sheegay waxa ay ka dambeysay kadib booqasho ay Soomaaliya ku yimaadeen Guddiga nabadda iyo amaanka Midowga Afrika,kuwaas oo qiimeyn ku sameynayay xaalada amni ee dalka.
Xubnaha Wafdiga ka socday Guddiga nabadda iyo amaanka Midowga Afrika oo ka koobnaa 27 Xubnood ayaa waxa ay yimaadeen Magalada Muqdisho,iyaga oo la kulmay Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Danjiraha Dowladda Jabuuti ee Itoobiya iyo Midowga Afrika Maxamed Idiris ayaa sheegay in maalmihii ay dalka joogeen qiimeyntii ay sameeyeen ay u soo baxday in raja wanaagsan laga qabo qorshaha kala guurka ee AMISOM Â uga baxeyso Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Taliyayaasha kulamaya ay soo saari doonaan qorshaha ugu dambeaya ee 2019 ilaa 2021 ee ay Ciidamada AMISOM uga baxayaan dalka Soomaaliya.
Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya jooga in ka badan 10 Sanno waxaana Ciidamada Dowladda ka caawiyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.