Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in Taliye-xigeenkii Ciiddanka Madaxtooyadda ee Villa Somalia duhurnimadii maanta lagu dilay Xaruntaasi.
Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jirey Kolonel Cabdi C/lle Qoor-gaab ayaa la sheegay inuu dilay mid ka mid ah Askarta Ilaaladda ka haysa Qasriga Madaxtooyadda ee Villa Somalia.
Ma cadda sababaha loo dilay Sarkaalkaasi iyo in la qabtay Askarigii dilka geystay, inkastoo wararka qaarkooda sheegayaan inuu Gacan-ku-dhiiglaha baxsaday.
Dhinaca kale, Taliska Ciiddanka Villa Somalia wax war ah kama soo saarin dhacdadaasi, waana markii ugu horreysay ee Sarkaal ka tirsan Ilaaladda Madaxtooyadda lagu dilay Qasriga Villa Somalia, oo Hoy iyo Xafiis u ah Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda kale ee Golayaasha Qaranka.
©Radio Dalsan