Taliye Ruuxullaahi Ruuxaani oo ahaa Taliye qeybeed ka tirsan Ururkaasi ayaa lagu qabtay Hawlgal ka dhacay Degmadda Yangi Qala ee Gobalka Takhar ee Waqooyiga dalka Afganistan.
Afhayeenka Deegaanka, Xamiid Mubarays oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee Shinhuwa ayaa sheegay in Taliyahaasi lala qabtay mid ka mid ah Ilaaladiisa, kadib, markii ay Hawlgal Khaas ah fuliyeen Ciiddanka Sirdoonka Afganistan ee NDS.
Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi waxay dib u qabsadeen Degmadda Khaan Abad oo ay Maleeshiyadda Daalibaan la wareegeen dabayaaqadii isbuucii hore.