Taliyaha Ugu Sareeya Ciidamadda Jabuuti ee Jooga Soomaaliya oo Maanta Gaaray Beledweyne

Sakariye Sheekh Taliyaha Guud ee Ciidamadda Jabuuti ee Dalka Soomaaliya jooga ayaa Maanta gaaray Magaaladda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Taliyaha waxa ku soo dhaweeyay Halkasi Madaxda Maamulka Gobolka,Amisom iyo Shacabka Beledweyne.

Ciidamadda Katirsan kuwa Amisom ayuu Taliyaha ka qaatay Salaan sharaf ka hor inta uusan tagin Xarunta Ciidamadda Amisom ee Magaaladda Beledweyne.

Magaaladda Beledweyne waxa dhawaan gaaray Ciidamo cusub oo Jabuuti ka socda iyadda oo weli lagu wado iney halkasi gaaraan Ciidamo kale oo hor leh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor