Taliyaha cusub ee Ciidamada ilaalada wadooyinka Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo dhawaan markale loo magacaabay taliyaha ciidanka taraafikada ayaa ka hadlay maanta shaqooyinka  ay hayaan ciidamada Nabad galyada Waddooyinka oo uu tilmaamay in Shaqo adag ciidanku u hayo shacabka.
Cali Gaab ayaa kula dar daarmay dhamaan ciidamada Nabad galyada Waddooyinka inay si hufan u gutaan waajibaadka saaran ee shaqo islamarkaana ay xoojiyaan nabad galyada wadooyinka.
Dhinacakale taliyaha ayaa fariin u diray darawalada gaadiidleyda Muqdisho, waxaana uu amaray inay qaataan sharciga gaadiidka, islamarkaana ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbeynta wadooyinka.
Halkaan hoose ka Daawo SAWIRRADA: