waxaa degmada doolow ee Gobolka Gedo gaaray Janeraal Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Somaliyeed iyo wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo.
Taliyaha iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa Magaaladaas kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada, Taliyaha Howlgalinta Guutada Gorgor Cumar Deeq iyo Bulshada ku nool Dooloow.
Safarka Odowaa ayaa waxaa ku weheliya Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka, waxaana horay degmadaas horay u gaaray Ciidan farabadan oo dowladda Soomaaliya ka dejisay Degaanada u dhaw Xudduuka.