Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo Caawa War kasoo saaray xasuuqii Gololeey

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo caawa shir jara’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa ka hadlay dhacdadii lagu dilay rag dhalinyaro ahaa, taasi oo ka dhacday deegaanka Gololeey ee duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka aysan wax lug ah ku lahayn dhacdada 8-dii qof lagu laayay, kuwaasi oo ka shaqeynayay Xarun Caafimaad oo ku taalla deegaanka Gololeey.

Isaga oo sii hadlaayay Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka Xoogga dalka ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan xasuuqii dhacay iyo sidii loo soo qaban lahaa dadkii ka dambeeyay.

“Ciidanka Xoogga dalka shaqo kuma laha dhacdada lagu xasuuqay dhalinyarada dhaqatiirta aheyd ee ka shaqeynaysey xarunta Caafimaadka Gololey, suuragalna ma aha in askar ka tirsan ciidanka oo damiir dadnimo leh ay falkaas geysnayaan” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

Inkastoo si dhab ah loo ogeyn cida falkaas ka dambeyso, hadana waxaa la isla dhexmarayaa in ciidamada Dowladda Federaalka ay ka dambeeyaan dilka howlwadeenadaas Caafimaad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media