Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee dowladda Federaalka ayaa magdhow lacageed ka dalbaday Yoonis Xasan Xuseen oo horey uga tirsanaa shaqaalaha Xafiiska Madaxtooyadda Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in Yoonis oo labo mushaar uu ka qaadanayay Xafiiska Madaxtooyadda oo uu horay uga howlgalayay iyo Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo hada uu ka yahay Guddoomiye ku-xigeen.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in tallaabada uu qaaday Yoonis ay ku aheyd sharci darro, isla markaana waxaa laga joojiyay mushaarka uu ka qaadan jiray Xafiiska Madaxtooyadda Qaranka.
Guddiga ayaa faray in Yoonis Xasan Xuseen uu bixiyo lacagtii uu ka qaadanayay Xafiiska Madaxtooyada maadaama uusan hadda u shaqeyn, waxaana lacagtaas cadadkeedu uu gaaraya $6,352.8, waxaa laga dalbaday in 100% uu bixiyo lacagtaas, si loogu shubo qasnada dowladda.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda.