Wafdi uu hogaaminayay Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka ayaa Maanta gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Safarka uu Maanta Taliyaha Ciidanka dhulka uu ku gaaray Degmada Baardheere waxaa ku wehlinayay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada qalabka Sida, Xeer ilaaliyaha Guud ee ciidamada qalabka sida Taliyaha qeybta 43Aad xoogga Dalka Soomaaliya iyo saraal ka tirsan ciidanka xoogga dalka.
Taliyaha Guutada 10 Aad ee qeybta 43Aad G/sare Maxamad cadow cali sanka ayaa ugu horeeyn warbaahinta la hadlay, isagoona uga mahadceliyay wafdiga Taliyaha dhulke ee soo gaaray Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa waxa uu sheegay in u jeedka safarkiisa ay tahay u kuur galida xarumaha ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.