Kulan gaar ah ayaa taliyeyaasha Ciidamada Booliska,Xoogga dalka, iyo Asluubta Galabta ku yeesheen Xarunta taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa ay kaga hadleen xaalda amni ee dalka.
Taliyeyaasha ayaa isla soo qaaday qabka loo wajahayo amniga Caasimadda sigaar ah qaabka adkeynta Baraha koontorool ee Gawaarida lagu baaro kadib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho.
Kulanka kadib taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo faah faahiyay ayaa sheegay in kulanka lagu go’aamiyay tallaabo adag oo laga qaadayo Saraakiisha iyo askarta Ciidamada qalabka sida.
Waxa uu sheegay taliyaha in marnaba aan mardambe la aqbali doonin in gaari ay saaran yihiin rag hubeysan oo dadka Soomaaliyeed dhibaateynaya ay ka soo gudbaan baaha koontorool,isla markaan ay tallaabo ka qaadayaan Saraakiisha koontoroolkii uu gaariga ka soo gudbo.
Dhinaca dhammaan taliyeyaasha ayaa wax ay isku raaceen in baaritaan lagu sameeyo weerarkii qaraxyada ahaa ee Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho,kana go’an tahay inay talaabo ka qaadaan cidii sameysay dayacaadaasi amnidarro.
Si kastaba Maanta ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kualn deg deg ah la qaatay taliyeyaasha Ciidamada,isaga oo ku amray inay warbixin dhameystiran ka keenaan baaritaanada qaraxyadii Hotelka Saxafi.