Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda oo gaaray Magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi saraakiil ah oo uu hogaaminayo oo ah saraakiil sare oo ka tirsan taliska dhexe ee Booliska ayaa gaaray maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koofur galbeed, iyagoo halkaasi u tagay qiimaynta amniga deegaanada maamulkaas iyo baahiyaha Booliska.

Jeneraal Xijaar waxa uu sheegay in socdaalkooda Baydhabo uu la xiriiro sahan ballaaran oo Booliska Federaalku ku samaynayo deegaanada dawlad goboleedyada, si loo ogaado heerka diyaar garowga sugidda amniga doorashooyinka heer Federaal ee dalka ku soo fool leh iyo dejinta qorshaha horumarineed ee Booliska Soomaaliyeed sanadka soo socda.

Sahanka ayaa la doonayaa in gundhig looga dhigo hawlqabadka Booliska ee sanadka 2021-da, ee dhinacyada qorista ciidamo dheeraad ah, dhismayaasha saldhigyo cusub, saraakiisha la qaadanayo iyo wax ka qabashada baahiyaha kale ee Booliska.

Taliyaha Booliska ayaa xusay in ay qorshaynayaan booqashada dhawr degmo oo ka tirsan Koofur galbeed, lana kulmayaan saraakiisha ciidamada iyo madaxda dawlad goboleedka, si ay u soo ogaadaan xogaha rasmiga ah ee Booliska heer Federaal iyo heer dawlad goboleed ee aagaasi ka hawlgala.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media