Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saaxiibadda Caalamka ayaa Howlgalo dhulka iyo cirka ah waxay ka wadaan inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Sh/Dhexe.
Kabtan Aadan Xasan Cismaan oo kamida Saraakiisha howlgalkan hoggaamineysa oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Deegaano badan oo hoostaga Degmooyinka Balcad iyo Afgooye, halkaasoo Al shabaab ay amamulayeen.
“Waxaa dadka aan aragnay ee Shacabka ah ay noo sheegeen in Al Shabaab isaga tageen Deegaanada aan hadda gacanta ku heyno, waxaana qorshaheenu yahay in aan ugu tagno meelkasta oo ka joogaan Balcad iyo Afgooye”ayuu yiri Kabtan Aadan Xasan Cismaan oo Kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka.
Abaanduullaha Ciidanka horkacaya ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka sida gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska ayaa gacanta ku dhigay 10-ka mid ah Al shabaab iyo hubkooda markii loogu galay iyagoo hurda goob ay ku dhuumaaleysanayeen.
Afartan iyo Siddeedii Saac ee ugu dambeeyay Ciidanka Xoogga Dalka ayaa guulo ka gaaray Howlgalo ay ka fuliyeen Goboalda Jubbadda Hoose iyo Labada Shabeelle.