Ciidanka Xoogga Dalka oo dhawaan howgallo ay ka fuliyeen Deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxay ku dileen 16 ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro Sarkaal sare oo ka tirsan Ajaaniibta Alshaab.
Taliyaha Qeybta 12 April ee Ciidanka Xoogga dalka sareeye guuto Cumar Dheere oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xaqiijiyay in howlgalka degaanka Jilib marko lagu dilay Sarkaal u dhashay dalka Afgaanistaan, kaasi oo lagu magacabo Naasir Aljaabiri.
Abaandullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo goob fagaaro ah kula hadlay dadka ku nool deegaanada Alshabaab laga saaray ee hoostaga dagmada Marka ayaa sheegay in ay dhamaatay hantidii baadda ahayd ee Al-shabaab ka qaadi jireen shacabka ku dhaqan deegaanadaasi waa sida uu hadalka u dhigay.
Sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalka lagu xoreeyay degaanadan lagu dilay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana howgaladan ay sii socon doonaan inta laga xoreynayo deegaanada wali ku harsan yihiin.