Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay mid ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab oo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Weeraradda.
Taliska ayaa sheegay in Ciise Cumar Deerow Isxaaq uu muddo 8-sano uu ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana uu u ahaa koox Jabhad ah oo tira ahaan uu ku sheegay 400 oo dagaalamae waa sida ay hadalka u dhigeene.
Sidoo kale waxaa ay sheegen inuu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacey Gobolada Jubbooyinka iyo Baay, Waxaana sidoo kale Hay’adda Nabadsugidda ay soo bandhigtey hub ay sheegeen in uu kala soo goostey Al-Shabaab, oo ay kamid yihiin 2-qori oo AK47 & 1-beekam.