Taliska AMISOM oo war ka soo saaray dilkii Almaas Elman

Taliska sare ee Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka hadlay dilkii loo geystay allaha u naxariistee Almaas Elman kas oo ka dhacay xerada Xalane 20/11/2019 xili ay howlo shaqo u joogtay gudaha xarunta Xalane.

War ay soo saareen taliska AMISOM ayay ku sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka amaanka ay kala shaqeyn doonaan  baaritaan buuxa oo lagu sameeyo dilkii nasiib darrada ahaa ee ee loo geestay marxuumad, Elmaas Elman Ali, taas oo lagu dhex toogtay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kalana Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa iyaguna shaaciyay in ay wadaan baaritaanno ku saabsan dilka Almaas Elman oo ahayd Diplomaasiyad iyo qof u dhaq-dhaqaaqda bulshada.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka AMISOM

Comments
Loading...