Tahriibayaasha Soomaalida gaaray Malta oo ka hadlay dad Somali oo ay Maleeshiyooyinka Libya dileen

Marka la soo hadal qaado Tahriibayaasha ku sugan dalka Libya, waxa la soo xusuustaa tacadiyadda iyo afduubka ay Maleeshiyooyinka Libya u geystaan Tahriibayaasha shisheeyaha ee qorshahoodu ahaa inay u soo gudbaan Xeebaha dalka Talyaaniga.

Soomali waayo adag, xabsi, madax-furasho iyo cabiidsi kale kala kulmay ayaa ugu dambeyntii gaaray Jesiiradda Malta, waxayna ka hadleen Waayiuhii adkaa ee ay goobjoog u soo ahaayeen.

Hooyo magaceeda ku soo koobtay Dahabo, ayaa u sheegtay Hay’ad ka shaqeysa Arrimaha Qaxootiga ee Jesiiradda Malta inay nolol adag la soo kulantay, isla markaana aysan weligeeda helin wax Daryeel Caafimaad.

Hooyo Dahab oo 60-jir ah ayaa sheegtay inay mar weydiisatay Maleeshiyadii haysatay in ay u baahan tahay gargaar caafimaad, waxay sheegtay inay madaxa iga garaaceen, isla markaana ay ku yiraahdeen “Ijlis Yaa ximaar” oo la micno ah Dameeryahay fariso.

Tahriibe kale oo Somali ah ayaa isagana sheegay inuu mddo saddex ku jiranaa qol yar oo ay Maleeshiyooyinka Liibiyaanka ku xireen dad ku dhow 40-qof.

Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakiil ka tirsan Hay’adda UNHCR u yimaadeen, balse ay u sheegeen inaysan waxba u qaban karin, maadaama ay ka baqanayaan Maleeshiyooyinka hubeysan.

Gabar kale oo magaceeda ku soo koobtay Aamina ayaa sheegtay inay 7 cisho ku xanuunsanayd xabsiigii lagu hayey, iyadoo ay Maleeshiyooyinka ku yiraahdeen:- “Wax walaac naguma haysid, waa arrin kuu gaar ah”.

Tahriibe kale oo u dhashay dalka Eritrea oo magaciisa lagu soo koobay Yohannes ayaa sheegay inuu ku xirnaa Degmadda Ajadaabiya ee Libya, isla markaana uu la kulmo fal naxdin leh, kadib, markii ay qolka ku xanuunsadeen nin Eritrean ah iyo labo Somali ah.

Waxa uu intaasi ku daray inay in muddo ah garaacayeen albaabka, si ay Maleeshiyadda nooga furan, balse, in cabaar ah kadib ayey fureen, kadibna waxay bilaabeen inay si wadajir noo garaacaan.

Yohannes waxa uu sheegay in uu mid ka mid ah Soomaalida uu geeriyooday, kadibna labadii kale ay iyaguna xijaabteen.

Xigasho:- en.jrs.net

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor