Saraakiisha Ilaaladda Xeebaha ee dalka Liibiya waxay sheegeen inay koox Tahriibayaal ah si khasab ah uga soo dejiyeen Markab Xamuul oo soo badbaadiyey, kaasi oo muddo 10 maalmood ku xayirnaa Xeebta magaalladda Misraat ee Liibiya.
Qaar ka mid ah Tahriibayaasha ayaa la sheegay in lagu dhaawacay Hawlgalkaasi, waxaana la dhigay Isbitaal, halka kuwa kalena loo gudbiyey Xarun lagu hayo dadka Tahriibayaasha.
Taliyaha Qeybta Dhexe ee Ciiddanka Badda iyo Ilaaladda Xeebaha Liibiya, Kolonel Towfiiq Al-salayr ayaa ku dooday inay cabasho ka heleen Kabtanka iyo Mikiilaha Markabka Xamuulka ee NIVIN Cargo Ship, taasi oo ay ku codsadeen in la badbaadiyo Badmaaxiinta la socota Markabka.
2 ka mid ah shaqaalaha ayaa isku tuuray, kadib markii loogu hanjabay in la gowrici doono.
Tahriibayaasha waxay horey u codsadeen in la geeyo Talyaaniga ama Malta, kadib markii laga soo badbaadiyey badda Mediteranian Sea, iyagoo ku wajahnaa xeebaha Talyaaniga.