Tababarahii hore ee xulka Nigeria oo geeriyooday

Tababarahii hore ee xulka Nigeria Stephen keshi ayaa saakay ku geeriyooday magaalada Benin ee gobolka Edo sida warbaahinta Nigeria ay baahiyen.

Stephen Keshi ayaa ku dhintay da’da 54 sanno waxaana geeridiisa xaqiijiyay xiriirka ku badda cagta ee dalka Nigeria.

Ninkan ayaa sumcad ku leh ciyaaraha ku badda cagta ee Afrika gaar ahaan wadanka Nigeria oo uu sare u soo qaaday heerkooda kubadda cagta.

Waxa uu noqday macalinka labaad ee kaliya ee koobka Afrika kula guuleystay dalkasi isaga macalin iyo ciyaaryahan ah.

Keshi waxa uu sido kale soo tababaray dalal kale oo ay ku jiran Mali iyo Togo ciyaarihii koobka aduunka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor