Guddiga madaxa Bannaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta Magaalada Kismaayo tababar uga furey Odayaasha dhaqan Jubbaland.
Tababarka loo diray Odayaasha dhaqan Jubbaland ayaa waxaa uu yahay mid lagu barayo soo xulista Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka dowladd Goboleedka Jubbaland oo dhawaan ka bilaab doonto deegaanada maamulkaas.
Sidoo kale Tababarka uu furay Guddiga madaxa Bannaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa waxaa uu socon doona muddo Labo cisho ah.
Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa dhawaan lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Jubbaland,waxaana kusii qul-qulaya Madax kala duwan.