In ka badan 22,000 oo shaqaale military iyo kuwa xoojiya sharciyada, oo ka kala yimid dhamaan wadamada bariga qaarada Africa, ayaa waxaa loo diyaarinayaa sidii ay kaga qeybqaadan lahaayeen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Tababarkaan ayaa waxaa bixinaya,heyรขโฌโขadda caalamiga ee taageerida Nabada iyo tababarida ee xarunta ku leh Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Warbixinta ayaa sheegeysa in askartaasi ay iskugu jiraan Rag iyo dumar waxaana loo tababarayaa caawinta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo sidii deganaasho, xasilooni iyo wadahadal siyaasadeed loogu soo dabaali lahaa soomaliya.
Dhawaan รย 19 sarkaal oo u kala dhalatay wadamada Kenya iyo Uganda, ayaa ka qalinjabiyay tababarka, noocaan oo kale ah.
Lt. Col. Martin Nahurira, oo ka socday ciidamada Difaaca Uganda รย Peopleรขโฌโขs Defense Force (UPDF), ayaa sheegay in ahmiyad weyn ay uleedahay ciidamada tababarkaan ay ka helayaan heyada IPSTR, xaruunteeda Nairobi.
Heyรขโฌโขadd kale oo lagu magacaabo ACOTA, ayaa Iyana waxaa ay sheegtay in tababarada noocaan oo kale ah ay soo bilaabeen tan iyo sandkii 1990 iyadoona ujeeda ay tahay, sara uqaadida tayada ciidamada Africaanka, waxaana doorkaan ciidamadaasi tababaranaya ay soo aadi doonaan dalka soomaaliya.
Ciidamadaaan gaaraya 22,000 ayaa waxaa loo tababarayaa sidii ay uga caawin lahaayeen dowlada federalka ee Somalia, dadaaladeeda รย ku aadan nabada soomaliya.