Taariikh-nololeedka Marxuum Danjire Abdillahi Hassan Mohamoud

Marxuum Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu sannadkii 1943-kii ku dhashay Deegaanka Iimeey ee dhulka Soomaalida Ethiopia, wuxuuna  howlaha diblomaasiyadda ku soo biiray sanadkii 1987,xilligaasi oo loo magacaabay Safiirkii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Algeria .

Sanadkii 1990, waxaa loo badalay, loona magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Ergeyga Joogtada ee dalkeena uga wakiilka ah Ururka Jaamacadda Carabta , xilkaasi oo uu hayay tan iyo maanta .

Allah u naxariisto , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud , waxa uu ku matalayay kulamada kala duwan ee Jaamacadda Carabta Magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed muddo dhan 25 sano , isagoo shirgudoomiyay fadhigii heerka Wasiir Arrimo Dibadeed ee Jaamacadda Carabta , wareegiisii 123,aad ee qabsoomay March , sanadkii 2000.

Sanadkii 1996 ,dii waxa uu ku fariistay Kursiga Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira , isagoo matalayay Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya .

Mudadii qaran burburka dalka uu ka jiray , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qeyb galay shirarkii dib u heshiisiinta ee kooxihii Siyaasadda Soomaaliya ku loolamayay loogu kala qabtay Magaalooyinka Qaahira , Addis Ababa iyo Carta , xubinnimo Baarlamaan oo loogu doortay Shirkii Carta- Djibouti sanadkii 2000 ayuu ka tanaasulay .

Ambassador Abdullahi Hassan Mohamud oo si weyn ay u yaqaanaan diblomaasiyiinta ,siyaasiyiinta carbeed iyo kuwa Afrika ayaa kahor inta aanu ku soo biirin howlaha diblomaasiyadda , waxa uu ahaa sanadkii 1970 –kii Macallin wax ka dhiga dugsiyada sare ee dalka , iyadoo isla sanadkii 1972 –kii uu sidoo kale Macalin ka noqday Jaamacaddii Ummadda , isla sanadkaasi waxaa sidoo kale loo dalacsiiyay in uu maamule ka noqdo dugsigii Jamaal Cabdinaasir oo ahaa xilligaasi xarumaha waxbarasho ee ugu tayada wanaagsanaa dalka .

Sanadkii 1974- 1976 kii waxaa uu ahaa Iskuduwaha Waxbarasho ee gobolada Mudug, Banaadir iyo Xoghayaha guud ee goobaha waxbarasho ee guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sanadkii 1981 – kii waxaa loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Jabhadaha .

Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qaatay Darajada Licentiate ee Luqadda Carabiga iyo Culuumta Islaamka ,Kulliyadda Dar Al-ulum ee Jaamacadda Qaahira sanadkii 1969-kii .

Marxuum Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu  ifka kaga tagay laba xaas iyo 8 caruur ah

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer , Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali, Wasiir kuxigeen-ka H.E. Ahmed Ali Mohamed (Kadiye),Xoghayaha joogtada Mr. Ali Mohamed Ali, Agaasimayaasha Waaxyaha,Safiirada,Qunsulada guud ,Diblomaasiyiinta, La-taliyeyaasha Wasaaradda iyo Dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allah u naxariistee Ambassador Abdullahi Hassan Mohamud oo maanta oo ah Axad, November 22 , 2015 ku geeriyooday Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Xigasho: Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda 

© Radio Dalsan  

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor