6 ka mid ah 15 ruux oo dalka Swdeden  ugu geeriyooday caabuqa Corona ayaa la sheegay in ay yihiin soomaali asal ahaan
Tellefeyshinka Sweden ee SVT aya baahiyey caawa xogtan isagoo xiganaya ururka isu taga dhaqaatiirta Sweden
Arrintan ayeey kooxdani sheegeen in ey ugu wacan tahay, dadka oo aan helin xoog buuxda oo cudurkan la xirriira markii uu dalka ku faafay, dadkuna ay caadi u dhaqmayeen. Kooxdan ayaa sidoo kale sheegay in badi dadkaasi ay yihiin dad cuduro horey u qabay.
Arrinta kale ee haddana keentay in cudurkani ku dhex faafo soomaalida dhexddeeda ayaa u ah iyagoo intooda badan degan guryo cirriiri ah, taana eey keeneeyso in la is wada qaadsiiyo.
Wa tirade ugh badneyd ee Soomaali ah ee hal dal ucu geeriyooda caabuqan.