Suxufi caan ah oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa geeriyooday isagoo si toos ah u tabinaya ciyaaraha adduunka ee ka socda dalka Qatar. Grant Wahl, oo 48 jir ah, ayaa istaagga ka dhacay iyadoo waqtiga dheeriga ah uu bilaabmay ciyaartii Argentina iyo Netherland ee xalay.
Warar horudhac ah ayaa sheegaya in laga yaabo in uu wadno xanuun ku dhacay, balse taasi wali si rasmi ah looma xaqiijin.
Bishii hore Mr Wahl waxaa muddo kooban xiray mas’uuliyiinta Qadar isagoo isku dayay inuu galo garoon isagoo xiran shaar midabka qaanso roobaadka leh, taas oo uu taageero ugu muujinayay xuquuqda dadka la isku yiraahdo LGBT.
Bayaan uu soo saaray Xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay “ka naxeen” warka geerida weriyaha.
Mr Wahl ayaa dhalashadiisa 48-aad u dabaal-degay Khamiistii maalin un ka hor geeridiisa. Waxa uu Isniintii website-kiisa ku qoray in 10-kii maalmood ee la soo dhaafay uusan caafimaadkiisa wanaagsanayn sidaa darteedna uu isticaamalayo dawo antibiyootic ah taas oo uu isticmaalayay qabow looga shakiyay inuu haleelay.