Suudaan oo Soomaaliya ka taageeraysa la dagaalanka AL-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Kulan Mira Dhal Ah La Qaatay Dhiggiisa Dalka Suudaan

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga Wadanka Suudaan ayaa lakulmay Wasiirka  Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Suudaan ee aan walaalaha nahay Sareeyo Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo labada dal ee Walaalaha ah iyo sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaallanka Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa uga mahadceliyay Dhiggiisa Dalka Suudaan iyo Taliyeyaasha kale ee ciidamada qalabka sida ee Dalkaas sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen Wafdigiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor