Spain oo markale weydiisatay dalka Maraykanku inuu nadiifiyo haraaga hubka Nukliyeerka

Spain ayaa markale weydiisatay dalka Maraykanku inuu nadiifiyo hadhaaga hubka nukliyeerka ee ka dhashay, mid ka mida shilalkii ugu xumaa ee caalamka soo mara, ka dib markii ay shil gashay diyaarad uu leeyahay Maraykanka oo xambaarsanayd hubka nukliyeerka, taas oo ay isku dhaceen diyaarad kale oo shidaal siinaysay.

Madrid ayaa rajaynaysa in xidhiidhka wanaagsan ee kala dhexeeya Maraykanku, inuu keeno in Washington ay ka dhabayso ballanqaadkeedii ay samaysay sannadkii 2015 ee ahaa inay nadiifiyaan ciidda sumaysan.

Shilkan ayaa dhacay sannadkii 1966-kii, xilligaas oo diyaarad nooca B-52 ah oo xambaarsanayd afar madax oo hubka nukliyeerka ah, oo ay isku dhaceen diyaaraddii shidaalka siinaysay, ay sababtay in hubkii ay xambaarsanayd uu ku soo dhaco tuulada Palomares ee ku taalla dhinaca Koonfureed ee dalka Spain.

Madaxyada hubka nukliyeerka oo aan qarxin ayaa ku soo dhacay dhulka, hase ahaatee laba ka mid ah ayaa sii daayey maadada Plutonium, taasoo sumaysay dhul cabbirkiisu gaadhayo illaa laba kiiloo meter oo isku wareega.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor