Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, waxa uu wadahadal wax ku ool ah oo ku saabsan xiriirka diblomaasiyadeed iyo horumarka geedi-socodka dib-u-habaynta Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey kula yeeshay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Italy, Mudane Alberto Vecchi, iyo Safiir kuxigeenka Safaaradda Jamhuuriyadda Turkey , Mudane Ozan PEKİN.
Kulanka wadajirka ee seddex geesoodka ah ayaa diiradda lagu saaray arrinta socota ee dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh si si wanaagsan looga falceliyo caqabadaha jira iyo kuwa hadda soo ifbaxaya ee dunida.