Guddoomiyaha Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe Qaasim Cali Nuur Furdug ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal khasaaro geystay oo Maanta barqadii ka dhacay degmada Balcad.
Guddoomiyaha oo wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa waa uu sheegay in maleeshiyaad is abaabulay ay weerar ku qaadeen Koontorool Ciidamada Maamulka degmada Balcad gaar ahaan kuwa dowladda Hoose ay ku leeyihiin gudaha degmadaas.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in maleeshiyaadkaas ay yihiin kuwo ku doodaya in maamulka dhinaca Maaliyadda laga badsaday,isla markaan ay bilaabeen dagaal.
Waxaa wareysiga Guddoomiyaha degmada Balcad aan ku weeydiinay waxa ka jira in dagaalkaas uu salka ku hayo xiisad idiin dhaxeysa adiga iyo Xoghayaha degmada Balcad Yuusuf Cali Meyraale,waxana uu sheegay in uusan warkaasi waxba ka irin,isla markaana xoghayaha degmada uusan meelna xilligaan ku ogeen.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaalkii Maanta ka dhacay koontoroolka Yaroow Farxaan ee degmada Balcad in uu ku dhaawacmay xoghayaha degmada Balcad,hayeeshee Guddoomiyaha degmada uu sheegay in uu isagu yahay Mas’uul ugu sareeya degmada,isla markaana uu isugu yeeri doono dhammaan maamulka go’aanana ay kasoo bixi doonaan.
Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur(Furdug) masheegin wax khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka Maanta ka dhacay Gudaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe,waxana wararka aan heleyno ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.
Hoos ka Dhageyso wareysiga Guddoomiyaha degmada Balcad oo dhameystiran.