Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay Arrimaha Maaliyadda

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan kula qaatay dhiggiisa Wasiirka Maaliyadda dowladda Turkiga Lütfi Elvan.

Kulanka dhexmaray Wasiir Beyle iyo Wasiir Lütfi Elvan ayaa waxaa looga hadlay Isbedelka ku yimid iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhexeeysa labada Dal.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka ayaa Wasiirka Maaliyadda Turkiga ka dalbaday sii wadida taageerada Maaliyadeed ee Dowladda Turkiga siiyo dowladda.

“Wasiir Lütfi waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, Turkigu waa Saaxiib ka ugu muhiimsan horumarka Soomaaliya oo dhinac walbo leh” ayuu yiri Wasiir Beyle Qoraal kusoo qoray bartiisa Facebook.

Dowladda Turkiga ayaa kamid dowladaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana labada dowladood ka dhexeeya xiriir ku saleysan dhinacyo kala duwan, sidoo kalena Turkiga uu tababaro kala duwan uu siiyo Ciidanka dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media