Soomaaliland oo Casuumaad u fidisay Cabdi kariin Qalbi-Dhagax

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaaliland Faysal Cali Waraabe oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in maamulka Soomaaliland uu Casuumad u fidin doono Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Waxa uu sheegay in Soomaaliland,Itoobiya iyo dadka dega deegaanada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay yihiin walaalo,isla markaana Qalbi-Dhagax uu rajeynayo in ay casuumaan.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Sarkaalka ONLF ee lagu magacaabo Cabdi Kariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo hore dowlada Soomaaliya ugu dhiibtay Dowlad Itoobiya, islamarkaana dhawaan laga sii dayay Xabsi ku yaalla dalkaas ay xaflad dhiiragelin ah ugu sameyn doonaan Magaalada Hargeysa.

Hadalkaan ayaa waxa uu sheegay Faysal Cali Waraabe xili uu ka soo laabtay Deegaanka Ceel-Afweyn ee Galbeedka Gobolka Sanaag , halkaasi uu dagaal ku dhexmay Beelo mudo dagaalkooda uu soo laab laabtay.

Hadalka feysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale.daba socday markii dhawaan Xaflad Nairobi loogu qabtay Qalbi-Dhagax uu sheegay in Soomaaliland ay mudan tahay in lagu daydo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor