Soomaalida sharci la’aanta ku joogta Maraykanka oo loo kordhiyey muddada ay ku helayaan Oggolaanshaha Deganaanshaha KMG iyo Shaqo

Hay’adda Muwaadinimadda iyo Socdaalka ee Federalka Maraykanka ayaa sheegtay inay xilliga u kordhisay muddada loo qabtay inay isku soo diiwaan geliyaan Soomaalida sharcila’aanta ku joogta Maraykanka, si loo siiyo Badbaadada KMG  ee TPS.

Hay’adda waxay xustay in muddadii hore Soomaalida looga codsaaday inay is-diiwaan geliyaan ku ekaanayso berrito oo Jimco ah, kuna beegan bishan July 31-da.

Hay’adda ayaa sheegtay inay 18 bilood oo kale ugu kordhiyeen Soomaalida sharci la’aanta ugu nool Maraykanka, waxayna muddadaasi ku ekaan doonta bisha Maarso  17-da ee sannadka 2017-ka.

Soomaalida loo oggolaado in la siiyo Badbaadada KMG  ee TPS inay awoodi karaan inay si Sharci ah ku joogaan Maraykanka iyo in la siiyo Ruqsada ay ku shaqeysan karaan.

Xilli-kordhinta Badbaadada KMG ee TPS ayaa timid, iyadoo ay Hay’addaha Ammaanka Qaranka Maraykanka ka walaacsaan yihiin Muhaajiriinta Soomaalida ee ku nool dalka Maraykanka.

Bishii April ee la soo dhaafay, 6 Somali ah oo ku nool Gobalka Minnesota ayaa lagu soo oogay inay doonayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Dhinaca kale,  in ka badan 22 dhallinyarro Somali  ku noolayd Gobalka Minnesota ayaa isaga soo tegay Maraykanka, kuna biiray Dagaalamayaasha Alshaabaab ee  dagaalka kula jira Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka Somalia.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor